Magan Forum

Warbixin: Sooyaalka Ganacsiga Soomaaliya

Muqdisha 13-06-2023: Madasha Magan ayaa qabatay kulan loogu magacdaray MaganTalk oo looga hadlay dhacdooyinka taariikhda iyo mustaqbalka suuqa ganacsiga, dhaqaalaha dalka iyo maalgashida Soomaalida, kaas oo ciwaankiisu ahaa “Sooyaalka Ganacsiga Soomaalida”, waxaana marti ku ahaa Guddoomiyaha Shirkadda Isgaarsiinta ee Hormuud Mudane Axmed Maxamuud Yuusuf (Axamed Sacuudi), oo ah khabiir mudo dheer kusoo jiray dhinacyada iyo heerarka kala duwan ee ganacsiga gudaha iyo dibadda Soomaaliya.

Barnaamijka oo lagu qabtay Hotel Jazeera Palace ee ku yaalla magaalada Muqdisha ee dalka Soomaaliya ayaa waxaa kasoo qaybgalay in ka badan 100 qofood oo isugu jiray xildhibaano, ganacsato, aqoonyahanno, indheergarad, dhalinyaro, dumar iyo qaybaha kale ee bulshada oo dhammaan aad xiisa ugu qabay su’aalaha ku gedaaman arrimaha ganacsiga iyo maalgashiga Soomaaliya, taas oo kaalin wayn ka qaadata habsami u socodka nolosha iyo dhaqdhaqaaqa bulshada.

Ugu horrayn kulanka waxaa daahfuray Guddoomiyaha Guddiga Magan mudane Maxamed Caddo woo martida kulanka ugu mahadceliyay kasoo qaybgalkooda iyo sida ay usoo ajiibeen casuumaada loo fidiyay isla markaana wuxuu kasoo qaybgalayaasha kusoo dhaweeyay qof walba mansabka iyo maqaanka uu munaasabada ku joogay.

Intaas kadib, waxaa masraxa lagu wareejiyay martida barnaamijka mudane Guddoomiye Axmed Maxamuud Yuusuf (Axmed Sacuudi) iyo Danjire Cabdiraxmaan Diinaari oo ahaa xiriiryaha madasha si ay u bilaabaa ujeedka kulanka oo ahaa waydiin iyo warcelin la xiriirta ganacsiga iyo maallgashiga Soomaaliya.

Mudane Axmed Sacuudi oo wax laga waydiiyay arrimo dhawr ah oo taabanaya halgankiisii shakhsiga ahaa ee ganacsiga, Soomaalida xaaladihii ay soo martay dhanka baayca-mushtarka, halka manta la joogo, dhaqdhaqaaqa ganacsi ee Soomaalida dibadda, halka la hiigsanayo mustaqbaka, fursadaha iyo caqabadaha taagan iyo su’aalo kale oo lamid ah ayaa si waafi ah oo hufan uga jawaabay dhammaan waydiimaha ka yimid dadwaynaha iyo xiriiriyaha barnaamijka. (Halkaan ka Daawo Barnaamijka)

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaalliyeed Mudane Cabdikariin Gabayre oo martida kamid ahaa ayaa bogaadiyay madasha Magan doorka cusub ay buuxisay sidoo kalena wuxuu ammaanay in ganacsatada Soomaaliyeed madal la siiyo ay bulshada kula wadaagaan casharada ay ganacsiga Soomaaliya ka baerteen iyo waaya-aragnimadooda.

Sidoo kale dadka goobta ka hadlay ee codbaahiyaha fursada u helay waxaa kamid ahaa xildhibaan Xurmadle Maalik Cabdalla oo sheegay in ganacsatada Soomaaliya ay bulshada lafdhabar u yihiin iyagoona mudo dheer oo dawlad la’aan ay dalka ka jirtay usoo adeegay ummadda Soomaaliyeed hadana ay mudan yihiin in loo sameeyo sharciyo lagu dhawraayo qiyamkooda iyo mudnaanta ay leeyihiin isla markaana aan lagu siin dayn maalgashiyo caalami ah oo ka awood badan oo suuqa dalka kula tartama.

Gabagabadii barnaamijka madasha Magan Talk ayaa kusoo dhammaaday jawi hagaagsan iyadoo inta badan kasoo qaybgalayaasha kulanka fursad loo siiyay in ay su’aalo waydiiyaan ama talo usoo jeediyaan martida madasha iyo guud ahaan dadka goobjooga ahaa.

DHAMMMAAD

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top